Q.M oo sheegtay in malaayiin Soomaali ah ay wajahayaan Cuno la’aan

0

Dad tiro ahaan gaaraya 1.7 million oo ruux ayaa wajahaya heerar kala duwan o deg-deg ah taasi oo ku saabsan cuno la’aan soo food saartay, waxayna xaaladdoodu ugu darantahay illaa Bisha Jun ee sanadkaan.

Qaramadda Midoobay oo warkaan sheegtay ayaa waxaa ay ku sababeeysay in roobkii la sugayay uusan di’in taasina ay keentay in xooluhu ay la liitaan xaaladda abaarta, dalagii soo bixi lahaana uu guul dareystay.

Afayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramadda  midoobay Stephane Dujarric  ayaa sheegay Arbacadii in abaaruhu ay kasii darayaan iyadoo 954,000 oo caruur ah ay Soomaaliya gudaheeda ku heystato nafaqa darro waxaana oo walaac ka muujiyay xaaladda caruurto ay sii xumaato.

Kooxda Gargaarka ee  Qaramadda midoobay ayaa waxaa ay isu diyaarinayaan sadii ay u heli lahaayeen qorshe ay uga jawaabaan Abaarta Soomaaliya iyagoo la tacaalaya Raashin la’aanta.

Inta u dhexeeysa Bilaha May iyo October ayuu Afayeenku sheegay in kooxda Qaramadda midoobay ee Soomaaliya ku dadaali doonaan sidii ay ugaari lahaayeen deegaanadda ugu daran ee Abaartu ka jirto.

Si loo meelmariyo qorshaha gargaarka ee Soomaaliya 2019, waxaa loo baahanyahay lacag ka badan 1 million oo Dollar. Gaabis ku yimada bixinta lacagtaas waxay kooxda gargaarka ee Qaramadda midoobay sheegeen in ay keeni karto in dad badan ay waayaan Biyo iyo raashin.

Xaaladda Abaarta ee kasii dareeysa iyo Dadka gargaarka u baahan ee soo badanaya waxaa kalifay Roobkii Deyrta oo aan ka di’in deegaano badan iyo deeganadii uu roobku ka curtay oo uusan si can uga di’in.