Somaaliland oo Xabsiga kasii deeysay Gabdho u dhashay dalka Canada

0

Gabdho kasoo jeeda Canada oo Soomaaliland ku xirnaa wajahayayna 40 jeedal ayaa lasii daayay Talaadadii , sida uu baahiyay TV_ga CBC Canada oo soo xigaya ilo deegaanka ah.

Maymuuna Cabdi oo 28 sano jir ah iyo Karima Watts oo 24 sano jir ah ayaa la xiray Bishii January ee Sanadkaan kadib markii ay booliisku u dhaceen guri ku yaala Mgaaladda Hargeysa, sida uu sheegay Qareenkooda Mubaarak Maxamuud Cabdi.

Gabdhaha oo markii hore ka yimid Magaaladda Ottawa ee dalka Canada ayaa lagu eedeyay in isticmaaleen Maandooriye mamnuuc ka ah Soomaaliland.

Hey’adda u udooda xuquuqda Aadanaha ee HRW ayaa sheegtay in Maymuuna Cabdi ay Soomaaliland u joogtay in ay caawiso Haweenka wajahaya xad-gudubyadda Jinsiga ku saleysan.

Qareenka gabdhaha ayaa sheegay in lagu xukumay Laba bilood iyo bar Xabsi ah.

“Xeer-ilaalintu Maxkamadda ma aysan horkeenin cadeeyn ah in Mandooriye ay isticmaaleen” ayuu Mubaarak Maxamuud u sheegay TV-ga CBC Canada.

Maymuuna Cabdi Hooyadeed oo lagu magacaabo Fahima Xasan ayaa qortay, “Maymuuna iyo Kerima waxay ku dhasheen kuna koreen Ottawa, waana saaxibo isu wanaagsan.”