Akhriso:-Howlgal culus oo ka socda boosaaso

0

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa ay howlgal ka wadaan Xaafado ka tirsan Gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Howlgaladaan ayaa Saraakiishu ku sheegeen mid amniga lagu xaqiijinayo kadib markii maanta Boosaaso ay ka dhaceen qarax miino oo  lala eegtay Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo.

Ciidamada Amaanka ayaa la sheegay in ay Guri Guri u baaraayan Xaafadaha Magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale xiran goobaha ka agdhaw goobta lagu qarxiyay Guddoomiyaha Gobalka Bari ee maamulka Puntland.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada ay dhalin yaro badan ka qabteen Magaalada Boosaaso.