DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaciyay Qaab Cusub Oo Dowladda Ay Ula Dagaalamayso Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in Al-shabaab ay ka dulqaadaan dadkeenna, kana xoreeyaan dalka, arritaasna ay Dowladdu ka leedahay qorshe cad oo muddo la diyaarinayey.

“Ciidanka waxaan u tababareynaa qaabka ay u dagaallamaan, waxaana hubaa muddo yar oo kooban in aan ka adkaanayno, sidii hore ee aan ula dagaalayney Xamar markii laga bixinaayay sax bay ahayd, maxaa yeelay iyaguna dhufeysyo ayay ku jireen, innaguna dhufeysyo laakiin hadda qaab ka duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayay u dagaallamaan, marka waa in loo helo ciidan noocaas u tababaran.”