AKHRISO:- Alshabaab oo la wareegay degaanka Balcad

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow degmadaasi ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio daljir in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen,isla markaana uu dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay inta badan la wareegeen degmada,isla markaana ciidamada Dowladda isaga baxeen,waxana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah.