Maleeshiyo Beeleed hubeysan oo ku dagaalamaya deegaan ka tirsan degmada Cadale

0

Wararka ka imanaya degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ka dhex qarxay labo maleeshiyo beeleed iyadoo dagaalkana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday deegaanka Burdheere waxaana wararku ay sheegayaan inuu jiro qasaare ka dhashay iskahorimaadkan.

Labada maleeshiyo beeleed oo ay hore ugu dhex jireen ciidamada milatariga ayaa wararku sheegayaan in ay ciidamada milatariga isaga baxeen halkaas kadib markii uu dagaalku bilowday.

Dagaalka ayaa salka ku haya lahaanshaha dhul iyadoo hore dhowr jeer maleeshiyaadka labada beelood ay ku dagaalameen deegaankaas.