Ciidamada Burundi oo maanta ka baxaya Kuliyada Jaale Siyaad ee Muqdisho

0

Maanta ayaa lagu wadaa in ciiidamada Amisom gaar ahaan kuwa Burundi ay baneenayaan kulyaddii hore ee jaalle siyaad oo ku taalla wadada warshadaha.

Qorshaha ka bixitaanka ee Jaalle siyaad ee ciidamada AMISOM ayaa socotay bilooyinkii ugu dambeeyay kaddib markii dowladda ay ku wargelisay inay baneeyaan, islamarkaana dhowr jeer ee hore ay kormeereen madaxda ugu sareysa ee dowladda soomaaliya.

Xafladda ka bixitaanka ciidamada Amisom kuliyadda jaalle siyaad ayaa haatan waxa ay ka socotaa gudaha kulliyada iyada oo ay ka qeyb gelayaan madax kasocota dowladda soomaaliya madaxda Amism saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin.

Francisco Madeira oo ah Madaxa ciidamada AMISOM mar uu dhowaan uu booqday kulliyadda Jaaalle siyaad ayaa waxa uu sheegay in agabka difaac ahaan ay u isticmaali jireen ciidamada burundi ee jaalle siyaad fariisinka ku lahaa aanan laga qaadi doonin taabadalkeedane lagu wareejinayo ciidamada soomaaliya ee halkaa fariisinka ku yeellan doona.