Akhriso:-Maxkamadda Gaalkacyo Oo Amar Ku Bixisay In La Soo Qabto Dad Lagu Tuhmayo Dilkii Caasho Ilyaas

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa amar ku bixisay in la soo qabto eedeeysane iyo gaari lagu tuhmaayo in Meydka Caasho Ilyaas Aadan lagu kor keenay Gurigooda,kadib markii la dilay.

Maxkamadda ayaa amartay in la soo qabto eedeysame Yaasir Aadan Cali iyo Gaari loo heysto in uu ahaa midkii lagu keenay Meydka Caasho Ilyaas Aadan.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Dhammaan laamaha amniga iyo Saldhiga Bartamaha dhexe ee Gaalkacyo wax ay Ogeysiisay in la soo qabto eedeysanaha iyo Gaaigaas.