Abaar daran oo laga soo sheegayo deegaano ka tirsan Sool

0

Deegaano katirsan Gobolka Sool ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto Abaar saameen ku yeelatay dadka iyo duunyadaba.

Meelaha Abaarta laga soo sheegayo ayaa waxaa kamid ah Deegaanka Xudun ee Gobolka Sool.

Faarax Cali ibraahim Guddoomiyaha deegaanka Xudun ayaa waxaa uu maamulada puntland iyo Soomaaliland ka dalbaday in ay gar gaar deg deg ah ay la gaaraan shacabka ku nool deegaankaasi.

Qoys badan oo xoolo dhaqato ah ayaa ku nool deegaanka Xudun ee Gobalka Sool, iyadoona laga deyrinayo xaaladooda Nolaleed ee dadkaasi reer guuraaga ah.

Deegaanada ka tirsan Gobalka Sool ayaa waxaa isku horfadhiya Soomaaliland iyo Puntland.

Waxaana xusid mudan in dhawaan puntland ay shaacisay in dad badan ay ku dhintaan abaarta ku soo wajahan deegaanada ay ka taliyaan Maamulka Puntland.