AKHRISO:- Gadiid Xamuul ah oo ku Xaniban Degmada Xarfo ee gobolka Mudug

0

Degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa labadii Maalin ee lasoo dhaafay waxaa ku Xanibnaa Gadiid sida Xamuul kuwaasoo u Rarnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Gadiidkan ayaa u xaniban Lacag Canshuur ah oo Xad dhaaf ah oo lagu soo rogay sida ay sheegeen Gadiidlayda waxaana horay gaarigii looga qaadi jiray Canshuur $40 Dolllar halka hadana lagu sii daray $20 Dollar oo kale iyadoona wadarta guud ee lacagtaasi ay noqonayso $60 Dollar.

Lacagtan Cusub ee lagu kordhiyey Gadiidka ayaa wasaarada Maaliyada waxay Gadiidalayda ku wargalisay inay tahay lacag lagu qabanayo Difaacada Puntland gaar ahaana Dagaalka Gobolka Sool Kaasoo ay Puntland qorshishiisa Waddo.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid C/laahi Dani uu Xanibay lacagtii uu dabici jiray Bankiga dhexe ee Puntland iyadoona sidoo kale la xanibay lacagtii Cashuur Dhaafka ahayd ee Hay,adaha dawlada Puntland.