AKHRISO:- Wararkii Ugu dambeyeey ee Qaraxa Baydhabo ka dhacay

0

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in goor dhow uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen labo ruux.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Isha uuna ahaa mid ka dhashay bam ay wateen labo ruux oo mooto watay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay raga mootada watay ee bamku uu ku qarxay ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa wanaagsanaa iyadoo weli ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah wufuuda ka qeybgalaysay caleemasaarka Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen.