Ilhaan Cumar oo loo dhaariyay Koongareeska Maraykanka

0

Ilhaan Cumar ayaa  si rasmi ah loogu dhaariyey in ay ka mid noqoto mudanayaasha xisbiga demoqraadiga ee Aqalka Wakiilada labada sano ee soo socota, markaasoo ay dib u tartami doonto.

Ilhaan waxa ay ka mid noqoneysaa Koongareeska 116-aad ee dalkan Maraykanka. Dadka Muslimka ah iyo Somaalida Maraykanka ayaa si weyn usoo dhaweeyey guusha ay Ilhaan gaartey.

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa aad u soo dhaweeyay Hanaanka ay wax kaga badeli doonto dhibaatooyinka ay soomaalida ku haystaan dalka Mareykanka.