AKHRISO:- RW ku xigeenka dalka oo daahfuray shirweynihii dhalinyarada

0

Raiisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Magalada Muqdisho si rasmi ah uga furay shirweynaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa goob joog ka haa sidoo kale shirweynahaas furitaankiisa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo soo qaban qaabisay, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diriye,wasiiro,xildhibaano, dhalinyaro ka kala socota maamul goboleedyada iyo gobolkan Banaadir Diblomaasiyiin iyo Marti sharaf kale.

Mudadii uu socoday waxaa hadalo ka jeediyay Ra’iisul Wasaare KuXigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka dhallnyarada Khadiijo Maxamed Diiriye,iyagoo ka hadlay ahmiyadda ay arrintan u leedahay bulshada.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ujeedka shirkan uu yahay sidii loo cadeyn lahaa kaalinta ay dhalinyaradu kaga jiro arrimaha siyaasadd ,maadaam ay yihin laf dhabartii dalka.

Mahdi maxamed Guuleed ayaa amaanay kalinta dhalinyarada ay ku leeyihiin horumarka dalka,isagoo ku dhiirogeliyay in ay sii xoojiyaan dadaalkoodi ku aadan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Shirkan oo socon doono muddo labo maalmood ah ayaa lafilayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah,waana Shir sanadkiiba mar la qabto.