Akhriso:-Dagaal beeleed markale ka qarxay degmada Maxaas

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal gelinkii dambe ee Maanta markale ka bilaawday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan kaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaano duleedka ka ah degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Dudumagaduud,waxaana dad halkaasi ku sugan ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid culus.

in ka badan 15 Ruux ayaa la sheegay in dagaalkii Maanta ay ku dhinteen,waxaana xusid mudan in deegaanada lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar iyo Saraakiisha Ciidamada xooga dalka.

La soco Wixii soo kordha