Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo cambaarayay Qaraxyadii Argagixiso ee Muqdisho

0

Danjire Xamuuda bin Samraan Al-xuweydhi oo ah wakiilka  Jaamacadda caraabta u fadhiya Soomaaliya ayaa si kulul u canbaarayay  qaraxyadii falalka argagixisada ahaa ee  shalay ka dhacay magaalada Muqdihso oo ay ku nafwaayeen dad aan waxba galabsanin.

Bayaan uu wakiilka soo saaray  ayuu uga tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku naaf waayay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaasi intaba, wuxuuna allah ugu baryay inuu uga bishaareeyo kuwii ku shahiiday dhacdadaasi  Janadiisa firdowsa, ehaladii ay ka tageena samir iyo iimaan ka siyo, isla markaana kuwii ku dhaawacmayna  uu alle caaifimaad deg deg ah siiyo.

Danjire Xamuuda wuxuu sheegay in falalkan noocan ah ee weerarrada argagixisada ee lagu qaado goobaha dadka rayidka ah ku ssugan yihiin ay  yihiin kuwa diinta islaamka ka soo  ka soo horjeeda,wuxuuna ku booriyay Xukuumadda Soomaaliya inaysan  ka niyad jabin weerarada noocan ah oo ay sii waddo hawlgalada ka dhanka ah argagixisada ayna horumariso dhismaha Dowladnimo.

Wuxuu ugu dambeytii daboolka ka qaaday wakiilka Ergada Jaamacadda Caraabta u fadhiya Muqdisho inay jaamacadda Caraabta ay barbar taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliya sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinka dalka ka jira.