Isgaarsiinta Baydhabo oo hawada laga saaray

0

Waxaa weli  banaanbax rabshado wata uu kasocda magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, kaasi oo looga soo horjeedo xarigii maalmo ka hor looga geystay Magaaladaasi Mukhtaar Roobow Cali  Abuu Mansuur.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Maanta hawada laga saaray isgaarsiinta, kadib markii ay sii xoogeysteen banaanbaxyada ka socda Magaalada Baydhabo.

Waxaa aad u adag in la helo halka ay wax marayaan, marka laga reebo ina Internet-ka kaliya xildhibaanada iyo siyaasiyiin lagala xiriiro waxa ka socda Magaalada Baydhabo.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa soo galay Magaalada, islamakaana waxaa ay bilaabeen in si awood ah ay ku xakameeyaan dadka banaanbaxa dhigaya.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa weli qasan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal xoogan uu ka dhaco  gudaha Magaalada Baydhabo.

Xarumaha ay ku suganyihiin Madaxda koofur Galbeed ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamadii ugu badnaa la dhigay.