SAWIRRO:-Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta oo Taliyaha Ciidanka Asluubta kala hadlay siddii loo wacyi gelin lahaa Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran

0
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta XFS oo ay wehliyeen qaar kamid ah Culimada Wasaaradda.
 
Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ayaa kawada hadlay Siddii si wadajir ah ay isaga kaashan lahaayeen dhaqan celinta iyo Wacyi gelinta Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran.
 
Wasiir Ku-xiggeenka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa xusay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in kaalin weyn ay ka qaato Dhaqan celinta Maxaabiista kala duwan ee Xabsiga dhexe ku xiran, si looga wacyi geliyo Dambiyada loo soo xiray oo aysan ugu laaban mar kale.
 
Sidoo kale Wasiir Ku-xiggeenka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta XFS ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in dhawaan ay la kulmaan Maxaabiista u xiran Xagga diinta ee Xabsiga dhexe ku jira, kuwaasi oo ay qaldeen Kooxda Alshabaab, si looga wacyi geliyo Fikirka ku dhisan Burburinta ee ay ka aaminsan yihiin diinta Islaamka , loona barro Tafsiirka saxda ah ee Qur’aanka iyo Axaadiista Nabigeena Suuban (NNKH).
 
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa tilmaamay in ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Wacyi gelinta Maxaabiista.