AKHRISO:- Heshiis Hordhac ah laga Gaaray Colaad in muddo ah kasoo Taagnayd gobolka Galgaduud.

0

Waxaa heshiis horu-dhac ah laga gaaray dagaal deegaanka Turbi ee duleedka degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed kaas oo sababay dhimashada 4 Ruux.

Heshiiskaas ayaa waxaa siwadajir ah uga qayb qaatay Guddiga xasilinta iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida qeybta 21aad ee deegaanada Galmudug,waxaana ka soo baxay qodobo dhowr ah oo horu-dhac u ah Nabada iyo Wadda Noolaanshaha Dadkaasi.

1- in la kala dhex dhigay Xabad Joojin rasmi ah

2: In Maanta oo Sabti ah ay kala dirayaan Odayaasha Dhaqanka Maleeshiyaadka labada beelood

3:-Qofkii ama Kooxdii lagu arko,iyada oo hub ku dhexwadata inta u dhaxeysa Balanbale iyo Guriceel in hubkaas laga qaadayo dib dambana aan loogu celin doonin,hadii uu dagaal ku galana tallaabo laga qaadi doono.

4:-In 10ka Bishan Decembar Magalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay Gogol Nabadeed isugu yimaadaan Odayaasha dhaqanka labada beelood.

5:-In inta laga gaarayo Gogosha Nabadeed ee la dhigay Guriceel ay amniga deegaanadii lagu dagaalamay ay ku sugnaan doonaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Markii ay soo baxeen qodobada heshiiska laga gaaray dagaal beeleedkii ka dhacay deeganka turbi ee duleedka Balanbale,waxaa aqbalay Odayaasha labada dhinac oo ay kala matalayaan Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur iyo Ugaas Barre Axmed Cali (Taakooy).

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan guddi ka qeybb qaata nabadeyntaas waxa uu u diray Gobolka Galgaduud,waxana guddigaas horkacayay taliyihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Gorod iyo Cali Yare Cali oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.