Howlgallo Ballaaran Oo Laga Sameeyay Magaalada Gaalkacyo

0

Ciidamada ammanka ee maamulka Puntland ayaa howlgallo ka sameeyay gudaha M/ Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyay xaafado ku yaalla waqooyiga magaaladaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa sheegay in ujoodka baaritaanadaasi uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in howlgalladu ay sii socon doonaan, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi.