SAWIRO:- Musharax janna galle oo degmadda Waaciye lagu soo dhaweyeey

0

Magaalada Waaciye ayaa maanta lagu soo dhaweeyey musharax Madaxweyne Puntland Cabdirisaaq Janagale oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimda Puntland 2019.

Boqallaal dadwayne ah oo ruuxayay calamo iyo boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyada musharax Cabdirisaaq Janagale ayaa ku soo dhaweeyey Magaalada Waaciye ee Gobalka Bari Waxaana sida oo kale soo dhaweyntiisa ka qeyb galay maamulka degmada Waaciye ,iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadda dawlada .

Musharax Cabdirisaaq Janagale oo goob fagaara ah kala hadlay boqolaal shacab ah oo soo dhaweyntiisa ka qeybgalay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu kala kulmay bulshada Waaciye islamarkan uu kulamo la yeeshay bulshada qeybohooda kala duwan.