AKHRISO:- Sucuudiga oo sheegay in la dilayo 5 kamid ah raggi khashogi dilay

0

Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

Khaashuqji oo ahaa weriye si weyn u dhaliila dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay labadii October markii uu booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa maanta sheegay in Khaashuqji la duray sunta dadka disha kadibna jirkiisa cad cad loo jaray.

Dowladda Sacuudiga ayaa sharaxaado kala duwan bixineysay tan iyo markii Khaashuqji la waayey, oo ay ka mid ahaayeen inay mar sheegtay inuu qunsuliyadda si nabdoon uga baxay, inuu ku dhintay gacan ka hada,l iyo in lagu dilay howlgal ay fuliyene koox fallaago ah.