Akhriso:-Askar Lagu Dilay Magalada Boosaaso

0

Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Wararka naga soo gaaraya ayaa wax ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidamada Puntland  halkaasi lagu dilay.

Dilka askariga ayaa yimid kadib markii ay wada murmeen askari kale,taas oo keentay in xabad uu ku dhufto.

Askarigii dilka u geystay askariga kale ayaa goobta ka baxsaday,waxaana goobta tegay oo meydka askariga qaaday Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland.

Sidoo kale xalay fiidkii ayaa askari ka tirsan Ciidamada Puntland waxa uu dilay  2 askari oo kale oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ee PMF.