Xaalada Soomaalida ku xiran xabsiyada Libya oo laga deyrinayo

0

Soomaalida ku xiran xabsiyada dalka libya ayaa la soo warinayaa in ay ku noolyihiin xaalad bini Aadanimo oo aad u xun sida ay sheegayaan hay’addaha u dooda xaquuqda aadanaha.

Soomaalida ku xiran xabsiyada dowladda Libya gacanta ku heyso ayaa isgu jiro dhalinyaro, caruur iyo Haween ku dhex umulay xabsiyadaasi iyadoo ay xusid mudantahay in tirada loogu talagalay xabsiyadaasi in ka badan in lagu xiray.

Dowladda Libya ayaa gacanta ku heyso tiro xabsiyo ah oo ay buux dhaafiyeen tahriibayaal isugu jiro Ereterian,Itoobiyaan iyo Soomaali waxaase ugu badan dhalinyaro Soomaali ah oo kaalmaha hore kaga jiro marka la soo hadal qaadayo tahriibayaasha Afrikaanta ah ee naftooda ku haliga Saxaraha Libya halkaasi oo ay kaga sii gudbaan Bada Medeterenianka si ay Yurub u gaaraan.

Saddex todobaad oo kaliya ayaa laga joogaa markii wiil Soomaali ahaa oo Magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis uu isku dhex gubay xabsiga Trik al sikka kadib markii uu dhibsaday ku dhex noolaashaa xabsigaasi sida ay sheetay Qaramada Midoobe.

Xabsiga Trik al sikka ee ku yaalla bariga Magaalada Tripoli ee dalkaasi Libya ayaa ah xabsiga ugu xun xabsiyada dalkaasi waxaana ay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Jimciyada Qurumaha ka dhaxeyso ee UNHCR oo dhawaan booqataya ku tilmaamtay in uu yahay meel Aadane uusan ku noolaan karin.

Waxa ayna sheegeen in hada ay qabaan cabsi ah in Soomaalida kale ee ku jira xabsiyada dalkaasi in ay ku kacaan falkii uu Cabdicasiis isku dilay mid lamid ah.