AKHRISO:- Xildhibaano Burtinle kaga dhawaqay inay is Casileen

0

Iyadoo dhawaan magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal uu ka dhacay kulankii ugu horeeyey ee golaha deegaankaasi muddo ka badan 2 Sano oo dhisanyihiin ayaa golaha deegaanka degmadaasi waxay isugu yimadeen Kal-Fadhigoodi golaha.

Kulankaasi oo shirgudoominayey gudoomiyaha golaha deegaanka degmada iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa kasoo horjeestay kulankaasi xubno kamid ah golaha deegaanka kadib markii ay sheegeen inaysan soo xadirin Xildhibaanada Tiradii loo baahnaa oo koromku uu dhimaanaaday.

Gudoomiyaha golaha golaha deegaanka ee degmadaas ayaa warqad is casilaad ah waxaa u gudbiyey Xildhibaan C/Risaaq Axmed Nuur iyo Xildhibaan Axmed C/laahi oo kamid ah golaha deegaanka ee degmadaasi.

Horay waxaa xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Buurtinle isaga Casilay Maxamed Gaada Keen oo kamid ahaa Mudanayasha golaha deegaanka ee degmada Buurtinle kadib markii uu sheegay inuu u sharaxanyahay Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Puntland kadibna ku guul daraystay.