DHAGEYSO:-Taliska booliska Koonfur Galbeed oo baaq u diray shacabka

0

Kulamadii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa looga hadlay ammaanka guud ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Gen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa wuxuu sheegay inay muhiim tahay xaqiijinta ammaanka degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo, maadaama dhawaan ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha.