AKHRISO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Mushariixin

0

Xuseen Cismaan Xuseen taliyihii hore ee Nabadsugida Soomaaliya ahna musharax Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magalada Baydhabo Madaxweynaha Maamulkaas iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Musharax Madaxweyne Xuseen Cismaan Xuseen ayaa marka hore kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed in kastoo kulankooda Albaabada u xirnaa ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Musharax Xuseen Cismaan Xuseen,iyaga oo yeeshay kulan gaar ah,waxaana Madaxweyne Shariif uu soo dhaweeyay u tartamida xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee musharax Xuseen Cismaan Xuseen

Labada masuul ayaa ah musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee loolanka adag uu u dhaxeeyo,waxana Baydhabo ka socda olole ay labadooda iyo musharixiin kale wadaan,wallow Xuseen Cismaan Xuseen lagu tirinayo in dowladda Soomaaliya ay taageereyso.