DHAGEYSO:-Ciidamada Xoogga oo dib ugu baxay Deegaanka Fiidow

0

Ciidamada Militariga Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa dib ugu baxay Deegaanka Fiidow ee kala qeybiya  Gobalada Shabeelah Dhexe iyo Hiiraan oo dhawaan ay kala wareegeen Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Dadka Degaanka ayaa Sheegay in Deegaanka fiidow Xaaladaada ay  tahay mid degan, islamarkaana ay ka cabsi qabaan in Dagaal uu ka dhaco Deegaankaasi.

Ciidamada ka baxay Deegaanka Fiidow ee kala qeybiya  Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa u ruqaansaday Degmada mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamaa huwanta iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dagaalameen Deegaanka Fiidow ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Deegaano ka tirsan Gobalada  Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan  ayaa hada waxaa ka soconaya Howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.