TOP NEWS:- Galmudug Carabka Cadaado oo Madaxweyne Cusub doortay

0

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Goordhow lagu soo geba gabeeyay doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay dooranayeen Xildhibaanada Garabka Magalada Cadaado.

Doorashadaas ayaa waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ahaa Axmed Maxamud Basto iyo Cabdixakin Cali Guure,waxaana ugu dambeyn Xildhibaanadu u doorteen Madaxweynaha Galmudug Axmed Maxamud Basto.

Doorashadaas ayaa waxa ay qeyb ka tahay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug oo kala degan Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug oo Xildhibaanada Cadaado ku shirsan ay horay u sheegeen inay xilkii ka qaadeen ayaa haatan ku sugan Magalada Garoowe oo uu shir uga qeyb galayo,halka Xildhibaanada Dhuusamareeb ay iyana sheegeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Garabka Cadaado ay Maanta doorteen Axmed Maxamud Basto oo Goobta doorashada ka hadlay ayaa sheegay in dadka Reer Galmudug uu mideen doono.