QORMO:- Dowladda iyo shacabka Puntland way ku mahadsanyihin Xaqdhowrka Beesha Jareerweyne

0

Maxamed cabdiraxmaan iyo xaaskiisa Ruqiya cabdullahi maxamed.

Dadka soomaaliyeed waa isku diin,waa isku dad,waa isku af,waa isku dal lamana kala qaadi karo.macno gaara inoo samayn mayso oo kabaxsan in aan isku aqoon sano haybta qabiilka,sida jareer,hawiye,dir,daarood,digil iyo mirif ama raxanweeyn,reer banaadiri,…….. iyo qabiilooyinka tirada badan ee soomaaliyeed intaan tusaale ayaan u soo qaatay oo kaliya ee beelaha soomaaliyeed waa badan yihiin,arimaha siyaasada ayaana soo hoos galiyay oo lagu soo koobay dhamaantood afar iyo bar 4.5 hadana dawlada jirtaa uugu yeerto 5.waana fikir cadaw waxa soomaali kadhigay 4.5 waana kabixdoonaa illaahay idamkiis.

Hadaba qabiilku waa isku aqoonsi laysku garto ee maha in laysku gumaysto,laysku dulmiyo,laysku dhaco,laysku dilo,laysku xaqiro cidii sidaa yeeshaana cadaab daran oo aakhiro iyo ciribxumo aduun ayay kasbanaysaa. waa hadaysan toobad keenin.

Ninka ladilay,hadana la jirdilay waa laba dambi dil iyo jirdil isagoo nool iyo isagoo dhintay ah.waxaa diinteenu ina faraysaa cidii dhibkaa gaysatay u qasdiday ee fulisay,isku raacday ee talo ku gooysay ku midaysnaa ee u dhamaa faldambiyeedkaa,waa in loo cuskadaa sidii illaahay inafaray ee caqiidadeena islaamka ahi ku sugan.waan ku kalsoonahay kitaabka illaahay iyo diinteena islaamka sunadii rasuulkeena muxamed caleeyhi salaatu wasalaam.

Adeer soomaalidu dhaqanbayleedahay,sharaf bay leedahay,diin bay leedahay,beelaha dhexdooda waa ka dhacaa dhib hasa yeeshee waxaa la cuskadaa dhaqankeena suuban ee islaamka waafaqsan iyo diinteena kadib garta sidaas ayaa loo gooyaa.beesha jareer weyne nin baa laga dilay hadana la jirdilay waxay xaq u leeyihiin in loo soo qabto dadkii dhibkaa gaystay kuligood,waxayna ku leeyihiin beelihii dhibkaan geystay oo ah abgaal iyo muruursade isku tuur tuuraya kanuu ahaa iyo mayee ka nuu ahaa!! waa dulmi kale oo aad uwayn.

Beesha abgaal iyo beesha muruursade waa beelo soomaaliyeed waana dad wanaagsan laakiin haday arinkaan qiran waayaan oo ka soo garbixi waa yaan beesha jareer weyne,waxaan u arkaynaa hadaanahay soomaali in ay kufriyeen dawladaana xaq u leh in danbiilayaashii sharciga la horkeeno.Laakiin wali waxaan rajo ka qabnaa in labadaa beelood tix galin doonaan sharciga isalaamka iyo dhaqanka soomaaliyeed. haday wadadii saxda ahayd soomaraan beesha jareer weyne iyadaa go aanka iska leh haday dilayaan dadkii ninkooda dilay iyo haday mag qaadanayaan iyo haday cafiyaan intaba waa u banaantahay.

Nasabmaha gabadhiisuna guurmagasho nin intuu dad dilay, danbiilihiisii hoosta gashaday oo difaacay isagoo og danbiguu gaystay.anigu ma fahmayo waxa soomaalidu utaqaan nasab!! waxaa nasab ah ninka markii wax idin dhexmaraan kaa soo garbaxa si raganimo iyo islaamnimo iyo walaaltinimo iyo soomaalinimo leh,waan ku dili waana ku inkiri maha dhaqan soomaaliyeed iyo mid islaam xataa maha mid gaalo.

wiilka iyo gabadha shardigu waa islaam,laakiin arinkaa culimada soomaaliyeed haloo daayo inay isu maslaxeeyaan labadan reer ee dhibtu dhexmartay,si heshiiskooduna u dhaliyo in qoyskan cusubi iyana nabad galaan oo noqdaan kuwo labada dhanba raali laga yahay oo ay u duceeyeen si ay u khayraan ubad khayrqabana illaahay looga baryo oo baari ah.

Shacabka Puntland iyo Dawladoodaba waxaa ku soo qaxay dadbadan oo jareer weyne ah,xaqbay u leeyihiin jareer weyne in ay dagaan oo dhistaan oo ku noolaadaan puntland maha marti waa wadani jooga dhulkiisii lana jooga dadkiisii soomaaliyeed,waxay guursadaan wixii illaahay isu calfo dadka dagaanka puntland,cid gubtana majirto.guurkuna xoogmaha iyo is khasbid waa rabitaan.waxaan aad uugu sii boorinayaa shacabka puntland in ay dadka jareer weyne ee inala dhashay sigaara loo soo dhaweeye oo kasii qiimo badan sidaad hada u wanaajiseen,maxaayeelay waxay kamid yihiin dadka soomaaliyeed beelaha gaarka ah ee tirsanaaya faquuq taasoo aysan xaq u lehayn.

Waxaan ku kalsoonahay walaalahay muruursade iyo abgaal in ay soomaali horteed meel fagaara ah oo cad ay uga soo garbaxaan kuna xaqsiiyaan walaalaheen jareer weyne,maxaayeelay arinkaan waa ka weyn yahay jareer weyne oo kaliya qancintii maxaa jira waxaa dhawaac culus uu gaaray quluubtii qabaa ilada soomaaliyeed oo dhan.markaa soomaali daaweyn bay idinkarabtaa ee naga soo garbaxaa walaalayaaloow.

Qoraalkaan waxaan u qoray in aan ku badbaado maalinta qiyaame in aana illaahay ii qabsan waa run meesha maadan joogin ee maxaad uga hadli wayday,arinkan una muujin wayday inaad ka xuntahay oo dulmigaa aad barri katahay,waxaan cadaynayaa alle hortiisa in aan ka xumahay si weyn ka murugooday tabartaydiina intan noqotay. waxaa naxdin leh in dadka soomaaliyeed u haystaan in aan maalinta qiyaame la waydiin doonin arinkaa dulmiga ah ee dalkeena ka dhacay. qof kabaxsanayaa majiro ilaa qof waalin,ilma yar aan ka aheeyn,soomaali dhan illaahay waa suaalayaa dulmagaa la fiirsaday ee aan laga dhiidhiyin.

meeshana hala fahmo inagu kuligeen ka ladilay iyo kuwa wax dilay iyo kuwa shaqaba aan ku lahayn kuligeen waxaynu nahay dad walaalo ah oo isleh dhibku waxaa weeye aan kala garbaxno soomaaliyeey walaalayaal waa intaa.muxuu dhibku u dhacay waa laga soo gudbay iga soo garbax ayay taagantahay.

Waxaan illaahay ka baryayaa in hadaynu nahay soomaali uu inoo danbi dhaafo,inaga dhigo kuwo isu cadaalad falo dhexdooda kuwo isu naxariista kuwo iskaalmeeya. Arinkaan si jareer weyne raali ku yahay oo ku qanco,soomaali raali ku noqoto oo ku qanacdo illaahay haynoogu dhameeyo oo ah cadaalad iyo xaq.

W/Q Yuusuf Cumra