TOP NEWS:- Wasiir ku xigeenkii hore Wasaradda Arrimaha dibada oo maxkamadeyntisa dib u dhacday

0

shalay oo Khamiis ahayd ayaa loo balan sanaa in Maxkamad la hor-keeno Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kaas oo dhawaan lagu soo eedeeyey eedeyn la xiriirta musuq maasuq.

Mukhtaar Mahad Da’uud Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Kheyre ayaa xilli uu ku sugnaa Xarunta Wasaaradda 4-tii Bishoo agoosto waxaa ku weeraray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya walow markii dambe la xiray.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho isagoo uu dhinac taagan yahay Hanti-Dhowraha guud ee Qaranka ayaa xilligaas sheegay qodobadii lagu soo eedeeyey wasiir ku xigeenka kuwaas oo kala ahaa.

inuu baaritaano ku hayay Wasiir ku xigeenka arimaha dibbada Soomaliya mudo kusiman 4 Bilood.
Ku Xadgudub Xatooyo xoolo dadweyne,

Ku Xadguduba awood Xafiiseed

Ku Daneysi shaqsiyadeed xoolo Xafiiseed iyo diidid howl qabasho Xafiis

Ku xad gudbid Sharciga Maaliyada ee dalka.

9-kii Bishii Agoosto Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Shaqadii ka joojiyey Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay inay la-dagaalami doonto musuq maasuqa,waxaana weli xiran Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kuwaas oo lagu eedeeyey masuq maasuq.