DHAGEYSO:-Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Sagoontisa Dhaqaatir Isbitalka Guud Qaliimo ka samaynayey

0

Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland ayaa sagoontin u samaysay 9 Dhaqtar kuwaasoo in muddo ah ka waday magaalada Garowe ee caasumada Puntland Qaliimo lacag la,aan ah.

Qaliimadan oo si gaar ah awooda loogu saarayey Dadka Faruuran ayaa waxaa ka Faa,iidaystay 200 Qof sida ay xaqiijisay Wasaarada Caafimadka dawlada Puntland.

Agaasimaha Isbitalka guud ee Garowe Dr, C/Samed ayaa faah faahin ka bixiyey Dadka la daweeyey iyo qaabka ay uga faa,iidaysteen wuuxuna sidoo kale sheegay inay rajaynayaan in sanad walba ay soo noqdaan si dad kale u daaweeyeen.