Al-Shabaab oo Weeraray degaano ka tirsan Lamu

0

Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab gaar ahaan kuwa ka howlgala gudaha Kenya ayaa fuliyay weerar ay ku qaadeen degaano ku yaalla gobolka Laamu ee dhaca Xeebta.

Shabaabka ayaa si gaar ah u weeraray Xarun ay leedahay Shirkadda Korontadda ee dowladda Hoose ee degmada Laamu sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay degaan ku yaalla Xadka gobolka Laamu iyo Tanariver.

Shabaab waxa ay sheegteen in ay cagta Mariyeen Shirkaddii siin jirtay Korontada gobolka Laamu, islamarkaana ay dab qabadsiiyeen.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa weerarka kadib howlgal ka bilaabay degaano hoos yimaada degmada Laamu ee dalka Kenya, ka dib markii ay soo baxday cabsi ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku sugan yihiin degmada Lamu.

Taliyaha qeybta Booliska Laamu ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu baadi goobayo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan weerar dhabagal ah u geysta ciidanka dowladda ee ku sugan xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.