DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo weli ku dhagan dowladda Imaraadka.

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu dhawaan siiyey Tleefishinka BBC Arabic, wuxuuna tilmaamay inay DFS oggolaatay dadaalkii ay Dowladda Sacuudiga ku doonaysay in lagu xaliyo Khilaafka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri:-

“Annaga waan soo dhaweynay Hindisaha Walaalaheenna Sacuudiga ee Dhexdhexaadinta iyo dadaalladda kale ee ay wadaan Dowladaha Craabta iyo kuwa Gobalka, dhammaan waa soo dhaweynay, laakiin dhinaca kale, Walaalaheenna Imaaraadka ilaa iyo hadda kama aysan soo jawaabin Dhexdhexaadintaasi.

Dhinaca kale, Wasiir Cawad waxaa kaloo wax laga weydiiyey sababaha ay DFS ugu wareejin la’dahay Dowladda Imaaraadka Lacagtii cadadeedu ahaa 9.6 million oo Dollar ee bishii April 8-dii ee sannadkan lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin inay wareejiyaan Lacagtaasi.