DHAGEYSO:- Nin Afduub lagu haystay Gobalka Mudug oo la sii dayaay

0

Deegaanka Daarusaalam ee gobolka Mudug ayaa muddo ka badan bil waxaa ku afduubnaa nin macalin ka ahaa School ku yaal magalada Bursaalax ee gobolka Mudug wax ka dhigi jiray.

Xariga Macalinka ayaa yimid kadib nin kale uu dhexmartay Dood ka dhalatay Wiil yar kaasoo laysku qabsaday sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Bursalax Maxamed Saleebaan.

Gudoomiyaha oo lahadlayey Warbaahinta ayaa sheegay Kadib Dadaal ay sameeyeen gudiga Nabad Galyada gobolka Mudug iyo maamulka degmada Bursaalax ayaa macalinkii uu dib u helay Xoriyadiisa waxaana sidoo kale Amaankoodda la sugay Wiilkii yaraa ee laysku haystay iyo Hooyadii oo markii hore ku joogay Dhuumaalaysi.