Akhriso:-Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa degaan u dhow Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay, sidda ay  xaqiijiyeen Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Kooxo burcad ah ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen Muwaadinkan oo ku sugnaa irida goobtiia ganacsi, waxaana kooxdan ay ku fureen rasaas, isla goobta ayuuna ku geeriyooday.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Barow Maxamed, iyada oo markii dambe ay halkaasi meydkiisa ka qaadeen Booliska Koonfur Afrika iyo qaar ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee dilka Muwaadinkan ayaa qeyb ka ah ugaarsiga had iyo jeer lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa u nolol iyo shaqo tagay.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.