TOP NEWS:- Alshabaab oo war kaso saaray qaraxyadii Muqdisho

0

Duhurnimadii Maanta ayaa waxaa laba qaarx oo agari loo adeegsaday waxa ay ka dhaceyn meel an ka fogeyn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magalada Muqdisho,qaraxyadaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas oo ay bar bar socdeen rag hubeysan oo mudo daqiiqado ah ay wada dagaalameen Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay baraha Intenet-ka ku daabaceen Al-Shabaab ayaa wax ay ku sheegteen masuuliyada qaraxyadaas,balse wax faah faahin ah kama sii bixin.

Laamaha amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale dhankooda waxa ay sheegeen in ay fashiliyeen weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee manta ka dhacay agagaarka Madaxtooyada