Suldaan Maxamed “Xukuumaddu Markay Sidaa Mudac-Yar Innoo Geliso, Annagunna Mashkac Ayeynu Gelinaynaa…”

0

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay faraha kala baxdo colaadda Ceel-afweyn, Islamarkaanna wuxuu sheegay haddii xukuumaddu faraha kala bixi waydo ay la safan doonaan tolkoodda.

Suldaanku waxa kale oo sheegay in la dhaqan galiyo go’aamaddii ka soo baxay shirkii muddadda tobanka cisho ah uga socday beesha Garxajis Buurta Gacan-libaax.

Suldaanku wuxuu sidan ka sheegay xidhitaankii shir weynaha Beesha Garxajis ee ka socday Buurta-gacan libaax.

Suldaanka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Xukuumadda waxaannu ugu baaqaynay inay faraha kala baxdo collaadda Ceel-afweyn, haddii ay kala bixi waydo waxaannu la soo safan doonnaa tolkayo.”Ayuu yidhi Suldaan Maxmaed Cabdiqaadir

Sidoo kale, Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, wuxuu sheegay in aan la dhayalsan go’aanka ka soo baxay shirweynaha Beesha Garxajis “ Cimrigiiba horta shirkan oo kale inoomu qabsoomin, waana shir taariikhi ah oo yaan la fududaysan Go’aamadda ka soo baxay. Waanna inay dhaxal-gal noqdaan oo ay wax la taaban karro noqdaan ayaa loo baahan yahay, Waxna bulshada ayaa lagula dhaqmayaa waxna xukuumadda.”Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed

Dhinaca kale. Suldaanku wuxuu iftiimiyey in bulshadda nabad lagula dhaqmo“Bulshada nabad ayaynu kula joognaa, Xukuumaddu markay sidaa mudac yar innoo geliso, annagunna mashkac ayeynu gelin….”