DHAGEYSO:-Ciidamo Ka Goostay Soomaaliland Oo Ku Biiray Puntland

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay u goosteen dhanka maamulka Puntland.

Ciidamadan oo tiro ahaan kor u dhafaya 10 ayaa la sheegay in ay iska dhiibeen magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Faarax Maxamuud Warsame oo soo dhaweeyay Ciidamadaasi ayaa sheegay in haatan wixi ka dambeeya ay ka mid yihiin Ciidamada maamulkaasi.