Faah Faahin+Sawirro:- Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

0

Maleeshiyaadka Falaagada ah ee Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qarax ismiidaamin ahaa oo gelinkii dambe lagu beegsaday Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo.

Saldhigan la beegsaday ayaa waxuu ku yaallaa Degaanka Baar Sanguuni oo qiyaas ahaan 50km u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Xoogaga Al Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxaasi ay ku dileen ugu yaraan 50 askari oo ka mid ahaa Ciidanka Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Maamulka Jubaland.

Waxaa ay sheegeen in Saldhiga ay beegsadeen ay Shalay isaga baxeen Ciidanka Kenya iyo kuwa Mareykanka, kadib markii halkaasi lagu dilay Askari ka soo jeeda Dalka Mareykanka.

Dhinaca kale, Saraakiisha Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay ka hortageen Weerarkaasi ismiidaaminta ahaa, islamarkaana uu uga dhintay hal askari, halka labo kale oo ay ku sheegeen Al Shabaabna ay halkaasi ku geeriyoodeen.

Xoogaga Al Shabaab ayaa u muuqda in ay kordhiyeen weerarada iyo dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.