DHAGEYSO:-Dowladda soomaaliya oo Lagu eedeyay amni darada sii kordheysa ee deegaanada Hirshabelle

0

Deegaanada qaar Ee maamulka Hir-shabeelle wali waxaa ku sugan oo Maamulaya Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi sida shalay ka dhacday inta udhaxeysa Balcad iyo jowhar ku weeraray gaadiid ay la socdeen xildhibaano iyo ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya.

Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Caddow oo ka rtirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa cabsi xoogan ka muujiyay Amnidarada ku soo korortay deegaanada Hir-shabeelle iyo weerarkii ka dhacay wadada isku xerta jowhar iyo balcad oo ay ku dhinteen laba xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Dagmada Raaga ceele iyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaaliya, Waxa uuna sheegay in dowladda iyo madaxda maamul Goboleedyada aysan raali ka aheyn in amni waara la helo,