DHAGEYSO+SAWIRRO:-Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Oo Lacag Ku Wareejiyey Maamulka Jubbaland.

0

Guddiga Gurmadka qaran ee fatahaadaha oo shalay gaadhay Magalada kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maamulka Jubaland ku warejiyeen lacag loogu talo galay dad uu saameeyey fatahaada Wabiga ee deegaanada Jubbaland.

Guddiga Gurmadka qaran ee fatahaadaha ayaa Jubbaland ku wareejiyey lacag dhan (labo boqol iyo konton kun oo doolar ) 250,000$,lacagtaas oo wax loogu qaban doono dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga ee k u nool deegaanada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lacagtaas ku wareejiyey Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Luga-dheere.