DHAGEYSO:-Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo Ku Guuldaraystay Socdaalkii Sanaag uu ku tagey

0

Dhowaan wasiirka wasaaradda gaashaandhigga maamulka Soomaaliland Ciise Xanwar ayaa socdaal waxa uu ku tegey deegaamo katirsan gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Hadaaftimo Halkaas uu doonayay in uu kula kulmo waxgaradka gobolka sanaag .

Xog ay warbaahintu heshay ayaa sheegaysa in wasiirku intaas kadib qorshihiisa u bedeley Hadaaftimo uuna kulamo xasaasi ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi iyo waxgaradka gobolka Sanaag qaarkiis oo uu kala hadlay farriin uu ka sidey madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi balse ay taasi noqotay mid aan laga ogolaan fariintii uu hargaysa ka keenay