TOP NEWS:-Dowlada Soomaaliya oo ka walaacsan talaabooyinka Abiy iyo wafdi tagey Addis

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka walaacsan tallabooyinka ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed, ee ku aaddan siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay warbaahinta madaxa banaan u shegeen.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda soomaaliya ay u aragto mid aan habbooneyn xiriirka uu Abiy Ahmed la sameynayo qaaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, inkasta oo uu horay u ballan-qaaday inuu dalka ku ixtiraamayo dowladda federaalka.

Abiy Ahmed ayaa dhowaan dalkiisa kula kulmay Axmed Madoobe, oo madax ka ah maamulka Jubbaland ee Soomaaliya, islamarkaana qorsheeyey kulamo kale oo uu la yeesho madax kale oo ka mid ah kuwa maamul goboleedyada.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa la sheegay inuu toddobaadkan socdaal ku tagey dalka Ethiopia, oo uu arrimahaas kala hadlay mas’uuliyiinta dalkaas.
Sida warku sheegayo, Fahad ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta dalkaas inay ixtiraamaan madax banaanida soomaaliya

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu kala hadlay socdaal uu Abiy Ahmed dhowaan ku tagey dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo Soomaaliya aysan isku wanaagsaneyn. Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka isku dayaya inay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey uga sheegay dowladda Itoobiya markii la doortay inay joojiso qaabilaadda madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana ay wixii danaha ah oo ay Soomaaliya ka leedahay kala xiriirto dowladda federaalka.