Somaliland oo Soo Bandhigtay Ciidamo ay sheegtay in Puntland ay kasoo goosteen.

0

Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay Ciidamo gaaraya 118 isugu jirto Askar iyo Saraakiil katirsaneed Ciidamada Maamulka Puntland.

Ciidamadaan ayay sheegtay in ay kamid ahaayeen Askarta Furimaha dagaalka ugu jiray Maamulka Puntland.

Sababaha ku qasbay in ay qaataan go’aanka isdhiibidda waxa ay ku tilmaameen in ay la tashiyo la sameeyeen Odoyaasha Dhaqanka, Wasiiro ugu jiro Maamulka Somaliland, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

Cabdisalaan Yuusuf Siigaale oo Hogaan u ahaa Ciidamadaan ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Ciidamada Maamulka Somalilnd, isagoona wajihi doono dhinicii ay kasoo tageen ee Puntland.

Ciidamadaan ayaa katirsanaa Maamulkii Khaatumo ee Somaliland iyo Puntland kala raacay, waxayna kamid ahaayeen qeybtii dhanka Puntland u go’day.

Maamulka Puntland wali kama hadlin Ciidamadaan ay soo bandhigeen Somaliland, waxaana arrintaan ay kusoo aadeysaa Xili Arbacadii Todobaadkaan Amaro uu kasoo baxay Guddiga Difaaca Puntland.

Waxaa kamid ahaa in Ciddii dhanka Somaliland marta ama Shaqo wadaag la noqo ay muteysan Doonto waxa sharciga ugu soo baxo, si gaar ah waxa ay u sheegeen in la dilo doono.