TOP NEWS:-Madaxweynaha Somaliland oo Ka Dhoofay Hargeysa

0

Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka duulay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa sida aan Wararka ku helnay waxa uu kusii jeedaa deegaanadii ay duufaanta ku dhufatay,waxana uu Diyaarad Helicopter ah ka raacay Hargeysa.

Safarkiisa ayaa waxaa ku wehlinaya Xubno Wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka arimaha dibada , Wasiirka Cadaalada iyo Wasiirka Beeraha.

Kormeerkaas ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli Soomaaliland mowhjado dagaal ay uga furan yihiin deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.