TOP NEWS:- Mid kamid ah Ajaanibta u dagaalama Falaagada Argagixisada ah ee Al Shabaab oo is dilay.

0

Meeydka muwaadin Kenyan ah oo u dagaalamayay Falaagada Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa laga helay kaam ku yaala degmadda Jilib ee gobolka Jubadda hoose.

Meeydka la helay ayaa magaciis waxaa lagu sheegay Cabdi kimani, waxaana laga helay dhabarka dambe ee guri ay daganyihiin Ajaanibta dhawaan loo qoray in ay Al-shabaab u dagaalamaan, sida uu wariyay Wargeeyska the star ee dalka Kenya ka soo baxay.

Warar ayaa sheegaya in Kimani uu isagu gacantiisa isku dilay kadib sadax todobaad oo uu ku jiray xeradda cusub.

“Kimani wuxuu noqday qofkii sadexaad ee Dagaalameyaal shisheeye oo shan ah oo isdilay, waxaana jira tiro aan la aqoon inta ay la egtahay oo baxsaday” ayaa laga soo xigtay ilo wareed aan magacooda la shaacin.

Xaalado Adag oo nololeed ayaa la sheegay in ay wajahaan dagaalameyaasha Falaagada argagixisada ah ee Al-shabaab ay soo qortaan taas oo ka duwan middii ay filayeen.

“Kuwa hadda kusoo biiray ururka ayaa ah kuwa ugu badan ee nolosha adag saameeyso xilligaan oo Al-shabaab ay la kulmayaan caqabado ay ka mid tahay daadad iyo cuduradda biyaha ka dhasha” ayaa sidoo kale laga soo xigtay isha aan la shaacin.

Sidoo kale waxaa lagu daabacay wargeeyska the star in Haweeneey Tanzanian ah oo magaceddu ahaa Amina ay iyaduna is Dishay kadib markii loo geeystay xad gudub jinsi.

Isku soo wada duuboo degmada Afmadowna ayaa waxaa laga soo wariyay in labo dumar ah oo aan magacooda la sheegin ay isku dayeen in ay isdilaan xad gudubyadda ay la kulmaan awgood.