SAWIRRO:-Khasaara ka dhashay Shil gaadhi oo ka dhacay Magaalada Laas caanood

0

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magalada laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka Magaaladaasi uu ka dhacay Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay la socdeen tahriibayaal u dhashay dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada  Oromada.

Dhaawaca 35 ayaa la sheegay in ay dhaawac yihiin waxaana la dhigay Isbitaalka guud ee Magalada laas-caanood sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka,iyaga oo sheegay in ay u baahan yihiin gurmad Caafimaad.