DHAGEYSO:- Ciidamada Puntland oo Agag Cusub ku qabsaday dagaalki saaka dhacay.

0

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah uga hadashay Dagaalki saaka ka bilowday Degaanka Tukaraq ee gobalka sool,iyado Puntland sheegtay inay qabsatay gadiid dagaal iyado kuwa kalena gubeen.

Afhayeenka Xukumadda Puntland Cabdulaahi Quraanjecel oo Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Garoowe wuxuu sheegay in dagaalka hadda hakad yar uu kuyimid Guulo waaweweyna gareen ,isago sheegay in dagaalka uu sii socon doono.

Dhinaca kale Afhayeenku wuxuu sheegay in shacabka magaaladda Laascanood ee gobalka sool caburin xoogan ay ku hayaan Ciidamadda Maamulka somaliland isla markaana Ciidamo laga keenay Hargeysa iyo Burco ay caburin ku hayaan shacabka lascanood

Hoos kadhegeyso Codka Afhayeenka