DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare kheyre”Amni darrada Muqdisho waxaa lagula xisaabtamayaa Gudoomiyaasha degmooyinka”

0

Kulan amaanka looga hadlayo oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Hay’adaha amaanka, Wasiirka amniga Qaranka, iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa looga hadlayey xaalada amni darro ee sii xumaaneysa ee ka jirta magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay Marti gelisay dilal kala Duwan.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa yiri ” suurta gal maahan in muqdisho maalin walba lagu dilo muwaadin aan waxba galabsan, amaanka Muqdisho waxaa masuul ka ah Guddoomiyaasha degmooyinka iyo Taliyaha degmada” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Xasan Cali kheyrre.

Hoos ka dhageyso codka