DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Xukuumaddiisa

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Golihiisa Wasiirada, iyadoo illaa lix Wasiir cusub la magacaabay, Labo Wasiiru dowle iyo Shan Wasiir kuxigeen.

Wareegtada ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu dhameystiray xubnihii ka banaanaa Golihiis Wasiirada ayaa waxaa ka dhex muuqda xubno cusub, halka xubno horay xilalka qaar hayay loo kala bedelay.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta oo xilkan horay u soo qabtay, sidoo kale waxaa uu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudi Carabiya.

Inkastoo 5 Wasiir ay ka banaaneyd Xukuumadda ayaa waxaa xilkii Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta laga qaaday Saadaq C/llaahi Cabdi oo xilkan loo magacaabay bishii August ee sanadkii hore, waxaana uu ahaa xilkii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa loo magacaabay C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey.

Hadaba halkan hoose ka akhriso Magacyada.

1.Hassan Moalim Hussein Diinta iyo owqaafta.

2. Hassan Ali mahamed Wasiirka Gaashandhiga

3.Dahir Mohamud Gelle Wasiirka Warfaafinta

4. Abdi aziiz abdullahi mohamed Wasiirka Tamarta iyo biyaha.

5. Hamza said Hamza Wasiirka Gargaarka iyo masiibooyinka

6.Abdi fitah mohamed Ibrahim Wasiirka wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

Xubnaha loo magacaabay Wasiir Dowlayaasha.

1.Dahir abdi abdullahi Wasiir Dowlada Wasaarada ganacsiga

3. Mohamud mohamed Bonow Wasiiru Dowlaha Amniga

Xubnaha loo magacaabay Wasiir ku xigeenada.

1. Isxaaq mohamed mohamud wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha

2. Adan Isxaaq Ali wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

3.Abdirahman Idan Yonis Wasiir ku xigeenka Boostada iyo isgaarsiinta

4.mohamed Saciid abdullahi Wasiir ku xigeenka Caafimaadka

5.Abdirashid Mohamud Hassan Wasiirka ku xigeenka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka